Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan+Sawirro

0
Saturday December 05, 2020 - 20:18:05 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan+Sawirro

    Wasiirka arrimaha gudaha dib u-hishiisinta iyo federaalka xukumadda federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta magaalada Baladweyne kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha dib u-hishiisinta iyo federaalka xukumadda federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta magaalada Baladweyne kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalka qeybta 5-aad iyo hogaanka ciidanka booliska gobolka Hiiran.

Generaal Mukhtaar wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciidanka doorka xoogan oo ay ka qaateen badad galyada iyo la dagaalanka argagixisada.

"Waxaan Bogaadinayaa doorka aad ka qaadateen nabad galyada magaalada oo aan ogtahay xaaladii ay ku sugneed dhinaca amniga marka loo eego degenaashada ka jiran magaalada waxaana ku boorinayaa in loo turo shacabka iyadoo lagu shaqeynayo hanaanka dowladnimada ayuu hadalkiisa ku daray wasiir arfax.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo dhaweeyay wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay waxbadan ka qaateen amaanka magaalada hase ahaatee xilliga kala guurka uu sameeyn ku yeeshay balse sidoo kale ay diyaar uyihiin inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.

"Dadaal waan wadnaa balse waxaa laga yaabaa in xilliga kala guurka uu saameyn nagu yeeshay waxaana diyaar unahay inaan mar walbo ka shaqeyno horka deegaanka inagoo kaashaneyno dowladda Soomaaliyeed ayuu yiri guddoomiye cali Jeyte.

Wasiirka arrimaha gudaha dib –u-hishiisiinta iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu kormeer qiimeyn iyo indho indheyn ku tagaya cisbitaalka guud ee magaalada baladweyne si uu soo arko xaalada bukaanada iyo adeeygada bulshada sida ay uhelaan .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip