Ciidammadda AMISOM iyo kuwa Dowladda oo ku wajahan deegaanka leego

0
Saturday June 27, 2015 - 15:06:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammadda AMISOM iyo kuwa Dowladda oo ku wajahan deegaanka leego

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in kooxda UGUS ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Ciidammadda AMISOM ee Deegaanka LEEGO ee Gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaan kooxda UGUS u jeedkii ay ka lahaayeen weerarkaas ay gaarin.

"Deeganka LEEGO shalay waxaa weerar ku soo qaaday kooxda UGUS xilli saxuurta kaddib gaari ismiidaamin ah ayey ku soo galeen kaddib tacshiirad ayaa ka billaabatay goobta Ciidammadda walaaleheenna Burundi ayaa  dhibaato ka soo gaartay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Siidii ayaa sheegay in Arrintaas tallaabo deg-deg ah loo qaadi doono, islamarkaana Ciidammadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aaddan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin looga jawaabayo weerarkii argagixisada ay ku qaadeen Saldhigga Ciidammada AMISOM Deegaanka LEEGO ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in meelkasta oo ay Tagaan kooxda UGUS  ay ka hari doonin  isla markaana goob walba ay la gali doonaan Ciidammada si loo cirib tiro awoodda sii dhamaanaysa ee argagixisada UGUS.

Kooxda UGUS ayaa shalay xilli laysku diyaarinayo salaadda subax waxa ay weerar bahalnimo ah oo qarsoon ku soo qaadeen saldhigga Ciidammada AMISOM ee Deegaanka LEEGO  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip