Madaxweynaha oo Ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon-Sawirro

0
Friday June 26, 2015 - 22:38:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taalada  Daljirka Dahsoon degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho  ayaa waxaa isugu yimaaday dadweyne aad u fara badan oo ku labisnay dhar qurux badan oo laga tolay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya,banbeyda Boliiska Soomaaliya mas’uuliyin kala duwan oo katirsan dowlada federaalka, Soomaaliya  iyo maamulka gobalka Banaadir,  si ay ugu dabaal dagaal 26 Juun oo ah   maalinti gobalada Woqoyi ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumestihii Ingiriiska isla maarkaan ku began markii ugu horeysay ee Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taago ciidda  Soomaaliyeed iyadoo xor ah.

Madaxweyanaha  Jamuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon isagoo dadweynihii  halkaasi isugu yimid la qeyb saday farxada maal mahan Xurinimada Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa salaan  sharaf ka qaatay ciidanka Boliska Soomaliyed.

Wasaiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya ahna gudoomiyaha gudiga qaban qaabada maal mahan xuriyada ayaa warbaahinta kula hadlay taalada Daljirka Dahsoon isagoo sheegay in ay sii socon doonan munaasadaha loogu dabaal dagaayo maal maha Xuriyada.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta ee dowlada Soomaaliya ayaa umadda Soomaaliyed ugu baaqay in loo istaago Midnimada  Qaranka Soomaliyed.

26 Juun 27 Juun iyo 1da July ayaa ah maalma dadka Soomaaliyed aysan ilaabi karin waa maal maha ay umadda Soomaaliyed ay dhisten qaran key soo biirey dunida horUmartay  maal mihii ay ka xuroobeen gumeystayaashi Talyaaniga,Ingiriiska iyo Faransiiska  marka la gaaro maal mahaasi xuriyada waxaa gudaha dalka iyo diba lagu qabtaa munaasado loogu dabaal dagaayo xuriyada dalka iyadoo wadooyinka goobaha ganacsiga iyo guryahaba lagu xardho  calanka Soomaaliya si loo muujiyo in ay tahay maalmo farxadeed.

1234




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip