Ra'iisul Wasaaraha oo Baydhabo ka dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed+Sawirro

0
Monday November 23, 2020 - 18:08:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 4976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo Baydhabo ka dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed+Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaasha adeeggyada bulshada.

Saddexda mashruuc ee Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagax dhigay Xaafadda Barwaaqo ayaa kala ah Dhismaha Machadka daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada carruurta iyo Isbitaal, si deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii isaasiga ahaa.

"Maanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip