Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed "masalle"

0
Friday June 26, 2015 - 22:29:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed "masalle"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe,Abaanduulaha CXDS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi,Abaanduulaha Taakulada Ciidamada C/qaadir Macalin Nuur, iyo Dhamaan Saraakiisha,Saraakiil xigeenada,Alifleyda,iyo Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah tacsi ugu direy qoyska, ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum  Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ka mid ahaa Saraakiisha dowladdii hore ee golihii sare kacaanka.



Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto, sidoo kale horumarka iyo nabada Soomaaliya horey uga soo qayb qaatay, muddo dheerna kus oo jiray dowlad dhisidda Soomaaliya.


‘’Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay geerida marxuumka. Waxaa uu ahaa shakhsi wax badan dalkiisa u soo qabtey. Waxaa lagu xusuusan doonaa doorkii weynaa ee uu ka qaatey mashaariicdii horumarinta ee dowladdii hore ee milatariga ay ka fulisey Soomaaliya. Ilaahay waxan uga baryayaa naxariistii janno inuu ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii u ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa shaley ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain.

Marxuumka ayaa dowladdii milatariga ka soo qabtey xilal kala duwan, isagoo ahaa Kaaliyihii Xoghayaha Guud ee Xisbigii Hantiwadaagga, guddoomiye hoggaannada xisbiga iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip