Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed.

0
Friday June 26, 2015 - 15:55:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyska, ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum G/le Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ka mid ahaa xubnihii dowladdii hore ee milatariga ee dalka ka jirtey.

‘’Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay geerida marxuumka. Waxaa uu ahaa shakhsi wax badan dalkiisa u soo qabtey. Waxaa lagu xusuusan doonaa doorkii weynaa ee uu ka qaatey mashaariicdii horumarinta ee dowladdii hore ee milatariga ay ka fulisey Soomaaliya. Ilaahay waxan uga baryayaa naxariistii janno inuu ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii u ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa shaley ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain.

Marxuumka ayaa dowladdii milatariga ka soo qabtey xilal kala duwan, isagoo ahaa Kaaliyihii Xoghayaha Guud ee Xisbigii Hantiwadaagga, guddoomiye hoggaannada xisbiga iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip