Cabdulqaadir Ciise Cali Oo Katirsan Idaacadda C.Q.S Oo Loo Aqoonsaday Wariyaha Sanadka,

0
Sunday October 25, 2020 - 22:17:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdulqaadir Ciise Cali Oo Katirsan Idaacadda C.Q.S Oo Loo Aqoonsaday Wariyaha Sanadka,

    Kani waa C/qaadir Ciise Cali Hilowle oo ka tirsan Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka sida, caawa ayaa la guddoonsiiyey billada weriyaha ugu wanaagsan sanadka ee ay bixiso Mogadishu Awards,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kani waa C/qaadir Ciise Cali Hilowle oo ka tirsan Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka sida, caawa ayaa la guddoonsiiyey billada weriyaha ugu wanaagsan sanadka ee ay bixiso Mogadishu Awards,
Codeyn dhanka Online ka ah oo la sameeyey ayuu kula tarmay ilaa iyo Shan Wariye oo ka howlgala magaaladda Muqdisho, Shacabka Soomaaliyeed ee hab tabintiisa xiiseeya ayaa u doortay Wariyaha Sanadka, kadib markii uu helay codadkii ugu badnaa ee la dhiibtay.

bal inyar aan dib u milicsano, lix sano ka hor iyo C/qaadir Ciise markii uu kusoo biiray idaacadda Codka Ciidamada Q.S.

waxaa uu ka mid ahaa wariyayaashii lagu aas aasay Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida sanadkii 2014 wuxuu ahaa wariye guta waajibaadkiisa shaqo oo kaalin muhiim ah ka qaatay diyaarinta iyo soo saarista barnaamijyada ka baxa idaacada ciidmada qalabka sida waxaana intaa u dheereyd oo uu ahaa farsamayaqaan aad u dhiifoon, iyo Camera Man.

C/qaadir Ciise Cali barnaamijyada lagu xusuusto ee bulshada soomaaliyeed aan maskaxdooda ka bixin waxaa ka mid ah Barnaamijka Howlgal Iyo Horumar, Dhaqanka Iyo Islaamka, Nasashada Jimcaha, iyo Sheekadii Taxanaha ahayd ee lamagac baxday (Qab Dumar Iyo Quus Jacayl) oo todobaadkii mar loo soo gudbin jiray dhageystayaasha,

 

Maamulka Warbaahinta codka ciidamada oo markaas u arkeyay c.qaadir qof aad u firfircoon kana soo bixi kara shaqa kasta oo loo diro ayaa loo xushay in uu SNA RADIO uga soo waramo howlaha maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo guud ahaan garsoorka dalka Madaama uu ahaa shaqsi wax badan ka fahan sharceeda islaamka kuna ad adeg gudashada waajibaadka diiniga .

Warbixinada uu ka soo gudbiyo maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa noqday kuwa xiiso leh oo ay dadka aad u daneeyaan

Tabinta Sheekooyin ku saabsan xukunka ciidamada iyo dhagarqabayaasha al shabaab ayaa keentay in uu wariye c.qaadir u noqdo shaqsi caan ah kana tilmaaman wariyaasha soomalida inta baddanna waqtiisa ku bixiya soo gudbinta macluumaadka qarsoon ee argagixisada iyo dhaqankooda qalafsan ee xasuuqa ku saleysan

C/qaadir Ciise Cali waa saxafi sumacad iyo maamuus balaaran ku dhex leh buldhada dhexdeeda oo aan lagu xaman ficil xun iyo dibindaabyo biniaadanimo wuxuuna ka mid noqday madaxda ama masuuliyiinta idaacada isagoona soo noqday madaxii Wararka iyo Barnaamijyada, waxaa uu ku caan baxay akhlaaaq wanaaga iyo hogaamin toosan taasi oo ay ka markhaati ka kaceysa in maanta ay bulshada soomaaliyeed u aqoonsadaan inuu noqdo wariyaha ugu wanaagsan ee sanadka hantana abaal marinta best journalist oo ay bixiso muqdisho awards

 

Hambalyo hambalyo .










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip