Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Bur-buriyay Maxkamadii Al-shabaab Ee Degaanka Basro,

0
Monday October 05, 2020 - 19:25:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Oo Bur-buriyay Maxkamadii Al-shabaab Ee Degaanka Basro,

    Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor ay kasameeyeen degaano hoosyimaado degmooyinka balcad iyo afgooye ee gobolada shabeelooyinka ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo maleeshiyaadka al-shabaab ay kubaadi jireen d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor ay kasameeyeen degaano hoosyimaado degmooyinka balcad iyo afgooye ee gobolada shabeelooyinka ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo maleeshiyaadka al-shabaab ay kubaadi jireen dad shacabka islamarkaasna ay uga qaadanjireen xoolo baacad ah kuwaasi oo ay kamidyiin daniga, iyo basro,

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka wadeen waxeey bur-buriyeen maxkamad beenaad al-shabaab ay kulahaayeen degaanka basro halkaasi oo ay uga yeerijireen shacabka soomaaliyeed si ay xoolahooda u baneeystaan.

Ciidanka ayaa howlgalka kudilay maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab kuwaasi oo ay tiradoodu gaareeyso todobo sida uu kusoo waramayo wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Maxamed Cali Sabriye oo howlgalka qeyb ka ah.

Ciidanka ayaa haatan wada howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadigoobayaan maleeshiyaadka firxadka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip