Askartii ku dhaawacantay qaraxii shalay oo maanta loo duuliyay Imaaraadka "Sawirro"

0
Thursday June 25, 2015 - 21:12:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askartii ku dhaawacantay qaraxii shalay oo maanta loo duuliyay Imaaraadka "Sawirro"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa maaanta oo khamiis ah dalkeeda u qaaday 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Somalia oo dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan safaaradda Imaaraatka ay ku leedaahy magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Korey iyo Shariif xasan Qodax oo labaduba ka tirsanaa ciidankii ilaalada ahaa ee la socday kolanyada Imaaraatka ayaa ku dhaawacmay weerakii shalay , Dowladda Imaaraatka ayaa diyaarad gaar ah oo ah kuwa ay ku rakiban yhiin qalab caafimaad oo dhammeystiran waxay u soo dirtay Magaalada muqisho si ay soo qaado labada askari ee dhaawaca halista ah qaba.

Labada askari ee Soomaalida ah ayaa lagu daaweyn doonaa isbitaal casri ah oo ay leeyihiin ciidamada millatariga dowladda Imaaraatka oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Abu Dhabai. Waxaana askarta dhaawacantay garoonka kusii sagootiyay saraakiil ka tirsan dowladda Somalia iyo safaarada Imaaraatka ee magaalada Muqdisho.

Masuul ka tirsan safaaarda imaaraatka ee muqdisho ayaa yiri " ciidamada soomaaliyeed ee waardiyeynayay kolonyada saraakiisha imaaraatka ee muqdishu ku sugan waxay la mid yihiin ciidamada imaaraatka waxyna mudan yihiin inaan u fidinno gargaar caafimaad oo dhammeystiran sidaas ayaana loogu soo diray diyaarad khaas ah si loogu soo daweeyo Dalka Imaaraatkaā€¯

 Sidoo kale dowlada Imaaraatka ayaa kaalmo dhaqaale oo kala duwan u fidineysa askartii kale ee soomaaliyeed eek u dhaawacmay weerarkaasi  iyadoo qoysaska askartii geeriyoodayna loo qoondeeyay in la siiyo caawimaad ka duwan.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha  arrimaha dibadda Dowladda Imaaraatka carabta Dr. Anwar Gargaash ayaa ku dhawaaqay in weerarka fuleynimada ah ee lagu soo qaaday shaqaalaha Imaaraatka ee muqdisho ku sugan aysan car-qaladeyn Karin shaqada walaalnimad ah ee u hayaan shacabka soomaaliyeed isla markaasna aysan wax b aka baddali doonin socodka shaqadaasi

Waalidiintii dhalay askarta oo Radio Muqdisho kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wax yar ka hor inta aysan qaadin dhaawacyada diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta gurmadka caafimaad oo ay u fidisay caruurtooda.

Danjiraha dowladda Isutagga imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaaddi oo hadlay shalay qaraxa kadib ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadeyso dhaawacyada culus si loogu soo daweeyo Isbitaallada dalkiisa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u qaadday dhaawacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku waxyeelloobay qaraxyo kala duwan oo ay Muqdisho ka geysteen argagixisada xiriirka la leh Alqaacidda.

DSC03081DSC03087DSC03102DSC03111DSC03114




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip