ku xigeenka Ra'isulwasaaraha oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay qaabka looga faa'ideysan karo deeqaha New deal

0
Thursday June 25, 2015 - 21:04:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ku xigeenka Ra'isulwasaaraha oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay qaabka looga faa'ideysan karo deeqaha New deal

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kulankaan oo uu Shir Gudoominayay R’isulwasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte islmarkaana ay ka qeybgaleen wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya qaar kamid ah Danjirayaasha Dowladaha deeq Bixiya_yaasha iyo Xubno ka Socday maamulada dalka kajira qaarkood ayaa Lagaga hadlay Dar dargelinta Barnaamijka hiigsiga cusub ee New deal iyo sida loo Maareyn karo Deeqaha beesha Calaamka laga Helo waxaana sidoo kale kulanka lagu soo hadal qaaday qaban qaabada Shirweyne looga hadlaayo waxyaabihii ka hirgalay sanadkaan Barnaamijka New deal kaasi oo lagu qaban doono Markii ugu horeysay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Calaamiga xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo kulanka kadib La hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in lagu jaangoyn doono kulankan qaabka loo maareeyo ama looga faa’ideysan lahaa deeqaha ay dalalka Yurub ku caawinayaan Soomaaliya

" Waxaa lagu soo hadal qaaday sidii shirweynaha la qaban doono dib loogu eegi lahaa waxa u qabsoomay sanadkaan New deal dabcan sanadka 2015 waa sanadka Mashaariicda la doonayo in laga hirgeliyo dalkeena oo si rasmi ah wax loogu qaban lahaa lacagihii lagu yaboohay ayuu yiri wasiirka qorsheynta Soomaaliya C/raxmaan Ceynte”

Kulankaan oo ah mid joogta ah islmarkaana ah mid bilel ah ayaa waxaa looga hadlaa Mar waliba Dar dargelinta Howlaha La Xariira barnaamijka New deal iyadoona kulankii maanta la isku Afgartay In Magaalada Muqdisho lagu qabto shirweyne dib u eegis lagu sameynayo waxyaabaha u qabsoomay sanadkaan ka qabsoomay Barnaamijka new deal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip