Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii maanta

0
Wednesday June 24, 2015 - 17:26:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii maanta

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii maanta maleeshiyaad ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee UGUS ay la beegsadeen kolonyo ay la socodeen shaqaale ka tirsan Isbitaalka xoogga dalka ee degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareysnayso falalka argagaxisinimo oo ay geysanayaan maleeshiyaadka UGUS,isagoo intaa ku  daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ogaadaan in kooxaha nabadda ka soo horjeeda aysan u ogoleen farxad iyo dabaal deg.

" Waxaan ereyada ugu adag ku cambaareynayaa falalkaasi, ummadda Soomaaliyeed waxaan leenahay kooxaha idin ma rabaan farxad, dabaal deg , nolal iyo nabadba idin ma rabaan, markaa waa in meel looga soo wada geystaa, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan magaalada Muqdisho in ay u istaagaan nabadda iyo taageerida dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiir maareeye.

Qaraxan ayaa maanta duhurnimadii maanta waxaa uu ka dhacay agagaarka Iisbitaalka Xooga ee degmada Hodan kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac  isugu jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip