Faah Faahin Qaraxii Lala Eegtay Kolonyada Imaaraadka

0
Wednesday June 24, 2015 - 15:10:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Qaraxii Lala Eegtay Kolonyada Imaaraadka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana wararka hadda soo baxay ay sheegayaan in ciidamada amanku ay fashiliyeen qaraxaas  oo hadii aysan ka hortagi lahayn la aaminsan yahay in khasaaruhu intaa ka badan lahaa .

War aanu ka helnay  saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa waxaa uu sheegayaan in dhagar qabayaal ka tirsan UGUS  oo isku dayay in weerar ku qaadaan kolonyo ay leedahay safaarada Imaaraadka ee Somalia oo ka soo baxday isbitaalka xoogga ay ilalaada kolonyadu toogten gaari kaarib ah oo ay wateena uu qarxay kaasoo sababay dhimashada 4 ruux oo shacab ah iyo dhaawaca ilaa lix kale kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalka Madiina .

Waxaa la xaqiijiyay in safiirka dowladda Imaaraadka uusan la socon kolonyadaas hase yeeshee saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegaya in ay wadaan baaritaano ku saabsan qaraxaas sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amaanka caasimada si gaar ah xarumaha danta guud iyadoo jidadka lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo baaraya gawaarida dadweynaha .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip