Wasiir Maareeye oo maanka ku haaya himilooyin muhiima (Sawirro)

0
Wednesday June 24, 2015 - 14:58:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye oo maanka ku haaya himilooyin muhiima (Sawirro)

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo bandhigay himilooyin badan oo uu rajaynayo in isaga iyo bahda wasaaradda Warfaafintuba ay is kaashi iyo wada jir ku xaqiijiyaan waqtiga dhaw, si loo hormariyo howlaha wasaaradda, xilli ay hadda bilowdeen barnaamijyo qayb ka ah hormariinadaas uu wasiirku hiigsanayo.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in si deg deg ah wasaaradda gudaheeda looga arki doono isbedel wanaagsan oo ka dhalanaya barnaamijyada hormarineed ee ay fulintoodu billowga tahay.

Hadalkan ayuu wasiirku sheegay mar uu kormeerayay howlo lagu dayactirayo qaybo ka mid ah xafiisyada ay ku shaqayso wasaaradda oo ku yaalla gudaha xarunta wasaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay gudaha wasaaradda ayaa wuxuu faah faahiyay himilooyinka ay wasaaraddu leedahay oo isugu jira ballaarinta dhismayaasheeda iyo waliba hirlgalinta barnaamijyo muhiim u ah shaqaalaha wasaaradda. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yiri " Waxaan rajaynaynaa inaan dhisno Maktabad qalabaysan oo Internet iyo agab kastaba leh. Waxay Maktabaddu noqonaysaa goob ay Wariyayaasha iyo dadka soo booqda wasaaraduba wax ku akhristaan oo aqoon badan ka kororsadaan, sidoo kalena lagu nasto oo Coffee ama Shaah lagu cabo inta wax akhrintu ay socoto”.

Mudane Maareeye ayaa mid kale oo himilooyinka ugu waa wayn ee ay wasaaraddu hiigsanayso sanadka soo socda ah ku sheegay sameynta Hotel u gaar ah wariyayaasha iyo shaqaalaha wasaaradda, maadaama ay qaarkood waqti 24 saac ah ka howlgalaan xarunta Wasaaradda una baahan yihiin goobo ay ku hoydaan oo si hagaagsan loo diyaariyay.

Dayactirka hadda ka bilowday gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa maal galinaysa wasaaradda maaliyadda ee dowladda Soomaaliya, waxayna tan qayb ka tahay barnaamijyada loogu magac daray "Dhiso dalkaaga” oo uu Madaxweyne Xassan ku baaqay.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in muddo 6 bilood ah lagusoo dhammeyn doono howlahan dib u dhiska ah, isaga oo rajeeyay in muddadaas ka dib ay wasaaraddu yeelan doonto waji cusub oo ka qurux iyo qaab wanaagsan wajigii burburka ee soo jiray sanadihii colaadaha.

Geesta kale, wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu caddeeyay in wasaaraddu ay qaddarin iyo ixtiraam wayn u heyso wariyayaasha Telefishinka iyo Raadiyaha qaranka, kuwaas oo uu ku tilmaamay udub dhexaadka howlaha wasaaradda. Wuxuuna wasiirku meesha ka saaray warar aan sal iyo raad lahayn oo dhawaan ay warbaahinta qaar faafiyeen, kuwaas oo lagu sheegay in wariyayaasha warbaahinta qaranka laga burburiyay guryo iyo qalab ay lahaayeen oo gudaha wasaaradda yiillay.

 Ugu dambeyntiina, waxaa  warbaahinta hadal siiyay agaasimaha guud ee wasaaradda oo yiri "Waxaa sharaf wayn inoo ah in wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareeye xaruntaan cusub laga hirgalinayo wasaaradda warfaafinta,mashruucani  Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay  mudo  labo sano,waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto”ayuu yiri Bahlaawi.

Bahda ka howlgasha warbaahinta qaranka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ayaa qaarkood waxay qabaan in wasiirka warfaafinta mudane Maareeye uu yididiilo wax qabad iyo hormarin ah la yimid xafiiska, isaga oo markii xilkan loo magacaabay ka dib sameeyay ballan qaadyo hormarineed oo qaarkood hirgalay, halka qaarka kalena la rajaynayo inay si dhaqsa ah ku suurtagalaan.

 Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so

3   45678




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip