Madaxweynaha: ''Waan soo dhoweynayaa tallaabada Madaxweynaha Kenya uu ku doonayo in la qaado xayiraadda saaran xawaaladaha''

0
Monday June 22, 2015 - 20:43:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Waan soo dhoweynayaa tallaabada Madaxweynaha Kenya uu ku doonayo in la qaado xayiraadda saaran xawaaladaha''

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, 22 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay tallaabadii dhowaan uu qaadey Madaxweynaha Jamhuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, oo uu kaga dalbadey Baanka Dhexe ee dalkaasi inuu sameeyo xeerar iyo nidaam saamaxaya dib u furista xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin.

‘’Aad baan u soo dhoweynayaa go’aanka Madaxweyne Kenyatta uu qaadey, waxaana arrintan ay ka mid ahayd waxyaabihii aan kala hadley dhowaan markii aan ku kulaney Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay inuu rajeynayo in Kenya ay degdeg u dhaqangeliso dib u furista xawaaladaha si taasi ay u yareyso saameynta dhaqaale ee go’aanka xirista xawaaladaha ay ku yeelatey nolosha kumannaan Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay Kenya kala shaqeeyaan xakameynta lacagaha sida sharci- darrada la isugu diro, si aaney uga faa’ideysan kooxaha argagixisada.

-DHAMMAAD- 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip