Ciidammada Hay'ada NISA oo xalay saldhigga Baar dheere weerar ka fuliyay

0
Monday June 22, 2015 - 20:24:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammada Hay'ada NISA oo xalay saldhigga Baar dheere weerar ka fuliyay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay weerar la qorsheeyay ku qaadeen saldhigga booliska iyo xarunta degmada Baar dheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleyshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee UGUS .

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xiliga ciidanku fuliyeen howlgalka uu u socday shir horjoogayaasha Kooxda UGUS isla markaana halkii ay ku shirsanaayeen ay ciidanku ugu tageen, khasaare badan in uu halkaa ku gaaray kooxda ayaa la soo sheegayaa walow aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhabta ah .

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkaas iyo qaabka loo fuliyay waxaana uu xusay in ciidanku ay guul weyn ka soo gaareen weerarkii qorsheysnaa ee ay ku qaadeen saldhiga iyo xarunta degmada Baar dheere isla markaana iyagoo nabad qaba ay ka soo laabteen, waxaana uu intaa ku daray afhayeenka in howlgalkani uu qayb ka yahay howlgalo balaaran oo ay bilaabeen ciidammada amaanka Soomaaliya.

Wararka aanu ka helnay saaka dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo ka socota xarumaha kooxda UGUS ay fariisinka ku lahaayeen isla markaana saaka ay xiran yihiin goobihii la weeraray oo aan loo ogoleyn dadka shacabka ah in ay ag maraan .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip