Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dalacsiiyay Howlwadeenada Isbitaalka Xoogga "Sawirro"

0
Sunday June 21, 2015 - 20:27:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dalacsiiyay Howlwadeenada Isbitaalka Xoogga "Sawirro"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo maanta kormeeray Xarunta Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho ayaa dalacsiiyay howlwadeenada isbitaalkaasi min xidig iyo laba xidig oo dhiira galin u ah dhalinyaradaasi oo ku shaqeynaya arrimaha caafimaadka.

 

Dalacsiinta howlwadeenada ayaa ka dambeysay kaddib markii tababar ay ku soo qaateen xarunta tababarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Jaziira, waxaana dhalinyaradani ay yihiin kuwo aqoon durugsan u leh arrimaha caafimaadka, waxaana si toos ah ay kaga howlgalayaan Isbitaalka Xoogga oo ah mid uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan loogu adeego Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhqarshe ayaa kula dar daarmay howlwadeenadaasi in si dhab ah ay u gutaan waajibaadka shaqo ee laga doonayo, waxaana uu u sharaxay isbitaalkani muhiimada uu ugu fadhiyo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaa ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waayihii dambe ku howlanaa dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ibitaalkani dib u howlgalintiisa ay ka dhigantahay rajadii ciidanka oo soo noqotay iyo Xuquuqaadka Ciidanka oo arrimaha caafimaadka ay ka mid yihiin meel ayay kortay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip