50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

0
Sunday June 21, 2015 - 20:41:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Iyadoo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waayihii ugu dambeeyay uu waday siyaasada la xiriirta horumarinta iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa dalka Uganda u ambabaxay arday ka baxday dugsiyada Sare oo soo codsaday islamarkaana imtixaan u galay ka mid noqoshada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaddib markii laga baahiyay warbaahinta qaranka ogeysiiska la xiriira in Boliisku uu qaadanayo arday waxbaratay oo saldhig u noqoneysa horumarinta ciidanka kuwaa beri noqonaya saraakiisha hogaamin doonta Ciidanka.

Ardaydani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga dalka Uganda Dr Sayid Axmed Sheekh Daahir,Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalkeena Maj. Gen. Nathan Mugisha,qaar Ka Mid ah saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana ardaydani  oo tiradoodu ay tahay 50 arday ay yihiin kuwo dalka Uganda ku soo qaadan doono tababar laba sano .

Taliyaha Hogaanka qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Garaad Nuur Cabdulle oo saakay ku sagootiyay ardaydaasi garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka hadlay ahdaafta laga leeyahay in Boliisku uu qaato arday waxbaratay oo saldhig u noqoneysa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana mahadcelin uu u jeediyay isagoo ku hadlayay magaca Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed dowladda Uganda oo qeyb libaax leh ka qaadaneysa tababar siinta ardaydani.

Safiirka  Soomaaliya u jooga dalka Uganda Dr Sayid Axmed Shiikh Daahir,Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalkeena Maj. Gen. Nathan oo si wada jir ah ardayda ula hadlay ayaa talooyin dar daaran u jeediyay oo ku aadan waxbarashada dalka Uganda ay u aadayaan iyagoo u  balan qaaday inta tababarka ay ku jiraan ay garabkooda taagnaan doonaan.

Qaar ka mid ah ardaydii saakay u ambabaxay dalka Uganda oo aan la hadalnay ayaa ka waramay dareenkooda ku aadan ku biirista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo tababarka ay ugu baxeen Uganda.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa mudadii koobneed uu xafiiska joogay wuxuu fagaara badan ka sheegay in loo baahanyahay in ciidanka ay ku soo biiraan arday waxbaratay oo badaleysa saraakiisha hada shaeyneysa, waxaana shalay gal taliyaha uu dar daaran u jeediyay ardaydani maanta u ambabaxa.

IMG_2631IMG_2634IMG_2637IMG_2644IMG_2651IMG_2655IMG_2660IMG_2661

Sawir Qaade: Mustaf Xuseen  Cabdulle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip