81 Xaaldo Cusub Oo COVID-19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac ee Ugu Dambeeyay

0
Tuesday May 12, 2020 - 21:45:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    81 Xaaldo Cusub Oo COVID-19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac ee Ugu Dambeeyay

    Muqdisho; Talaado, May 12, 2020----Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay81xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho; Talaado, May 12, 2020----Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay81xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo.5ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir44Jubaland24Puntiland6Somaliland5iyo Hirshabeelle2.

Bukaannda cusub50ayaa rag ah31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay1,170, Geeridu waxay mareysaa52, waxaana guud ahaan ka bogsooday126ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo.

BG5I8904
BG5I8915
BG5I8940




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip