Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

0
Sunday June 21, 2015 - 20:29:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga DF. Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen dalka Mareykanka isaga iyo wafdigii uu Hoggaaminayay R/Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, ay kala xaajoodeen madaxda sare ee dalkaas Mareykanka arrimo muhiim oo kamid yihiin dib u dhiska Ciidamadda.

"Dowlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay balan qaadeen dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya in ay door ka qaadan doonaan”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo wasaaradda ka caawin doonta sameynta aqoonsiga iyo ururinta macluumaadka la xiriira ee ciidanka iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha ciidamadda, waxana ay balan qaadeen si-deg deg ah in ay uga howl gali doonaan arrimahaas.

IMG_4570 IMG_4586 IMG_4593IMG_4615




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip