Taliyaha Hey'adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay "Sawirro"

0
Friday June 05, 2015 - 21:02:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Hey'adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay "Sawirro"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa maanta booqday Deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Muqdisho oo xalay howlagalo ammaanka lagu xaqiijinayo Ciidamada Ammaanka ay ka sameeyeen.

Taliyaha NISA oo u kuur galayay  xaaladaha ammaan ee ka jira deegaanka Ceelasha biyaha ayaa dadka shacabka ah ka xog wareysanayay xaalada la xiriira ammaanka iyo haddii ay jiraan caqabado ay tirsanayaan, taasi oo dadka deegaanka ay ku tilmaameen mid niyad wanaag ah oo ka turjumeyso sida Dowladaa ay ugu fikireyso ammaankooda.

Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa intii uu ku sugnaa Deegaankaasi waxa uu booqday xaruumaha ganacsiga,xaafadaha ay ka koobantahay,hoteelada, Masaajido ku yaala Ceelasha, iyo meela kale, waxaana dadka uu kula kulmo uu u sharaxayay muhiimada ay leedahay in qof kasta uu ka shaqeeyo sugida amniga.

Mid ka mid ah masaajidada ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ayaa Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare kula dukaday salaada casir jameecada masaajidka, iyadoo dadkii u cibaada tagay masaajidkaasi ay warbxin la xiriirta sida ay u ayidsanyihiin dar dargalinta sugida amniga siiyay, waxaana ay u balanqaadeen in si toos ah hey’adaha ammaanka ay kala shaqeynayaan xaqiijinta ammaanka.

Booqashada uu booqday maanta Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare Deegaanka Ceelasha biyaha iyo ka xogwareysiga dadka shacabka ah amniga ayaa qeyb ka ah soo bandhigida amniga buuxa ee ka jira magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku yaala duleedka caasimada.

vlcsnap-2015-06-05-18h53m08s27vlcsnap-2015-06-05-18h53m40s120vlcsnap-2015-06-05-18h54m11s143vlcsnap-2015-06-05-19h06m16s203vlcsnap-2015-06-05-19h07m09s252vlcsnap-2015-06-05-19h07m23s117vlcsnap-2015-06-05-19h08m01s250vlcsnap-2015-06-05-19h08m23s219vlcsnap-2015-06-05-19h08m36s95vlcsnap-2015-06-05-19h08m58s53vlcsnap-2015-06-05-19h09m55s117vlcsnap-2015-06-05-19h10m57s216vlcsnap-2015-06-05-19h11m09s95vlcsnap-2015-06-05-19h12m10s158




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip