Ciidamada Xoogga Dalka Oo Ku Sii Siqaya Deegaanno Hor leh Oo Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0
Thursday June 04, 2015 - 09:36:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Oo Ku Sii Siqaya Deegaanno Hor leh Oo Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS kala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose oo hadda xor ka ah maleeshiyaadkaasi.

Ciidamada deegaannada ay la wareegeen ayaa waxa ku soo dhaweeyay dadka shacabka ah oo laga dulqaaday cadowga, kuwaa oo aad ugu faraxsanaa la jooga Ciidamada iyo Dowladooda, waxaana ay kala shaqeynayaan sugida Ammaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sida dadka gobolka Shabeelaha hoos gaar ahaan deegaannada hoos yimaada Tooro toorow ay ugu faraxsanyihiin duulaanka looga dul qaaday cadowga UGUS.

Guddoomiyaha oo sii hadlay ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Tooro toorow si dhaqsi ah ay kula qabsadeen isbedelka ka dhacay ayna soo noqotay nolosha caadiga ah dadkuna si nabad ah ay isugu socdaan islamarkaana ganacsiga uu yahay mid si dar dar leh ku socda.

Sooma jeestayaasha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku howlan soo afjarista kooxaha nabada diidan ee UGUS, oo ay soo wajahayaan mowjado hirar wata oo guul darooyin ah taasi oo ka dhigan baaba’a kooxda.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip