Maleeshiyaadka UGUS oo lasoo baxay gumaad hor leh ay u gaysanayaan Haweenka soomaaliyeed.

0
Tuesday June 02, 2015 - 13:26:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka UGUS oo lasoo baxay gumaad hor leh ay u gaysanayaan Haweenka soomaaliyeed.

    Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee gabalkooddda sii dhacayo ayaa waxa ay lasoo baxeen dhagar cusub oo ay dabin uga dhigayaan Haweenka Soomaaliyeed kuwooddda danta yar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee gabalkooddda sii dhacayo ayaa waxa ay lasoo baxeen dhagar cusub oo ay dabin uga dhigayaan Haweenka Soomaaliyeed kuwooddda danta yar.

Maleeshiyaadka ayaa waxa ay billaaben in Gabdho Soomaaliyeed oo dan yar ay u addeegsadaan in ay u fuliyaan shirqool iyagoo u dhiiba Mobileada SMART Phone loo yaqaano ee sawirada qaada.

31/5/2015 maalinimaddii Axada ee lasoo dhaafay ayaa Degmada Wadajir xaafada Xalane lagu qabtay gabar in muddo ah u shaqaynaysay reer degan xaafadaasi oo Aabahooda ka shaqeeyo airport Muqdisho.

Reerkan ayaa gabadha u shaqaynaysay UGUS oo isaga dhigtay Gabar dan yar ah oo u baahan shaqo sidiina u gacanqabtay waliba iyadoo wadatay Wiil yar oo halsano jiray, gabadha Waxay u adeegeesay Kooxda gabalkooda sii dhacayo oo ay Mobileka ugu duubaysay dhaqdhaqaaqa xaafada & guriga ay degan tahay.

Gabadha ayaa waxaa ka shakiyay wiilal kubad ku cayaarayay xaafada oo la arkay iyadoo maalinwalba ku mashquulsan xaafadaha oo ay Kaamero ku duubayso & Mobilkeeda, intaas ka dib waxaa dhacday inuu illaahay ku fashaliyo dhagarteedda ka dibna Ciyaalkii xafada ay kusoo baxeen oo ay Ciidanka Police ka degmada wadajir ay la xiriiriyeeen.

Gabadhi waxaa la wareegay Ciidamada Xooga dalka oo ay baaritaan ku hayaan illaa hada, waxa warar horudhac ah ay sheegayaan in gabadhani ay sheegtay in ay u adeegaysay kooxda UGUS, waliba ay kaligeed ahayne oo ay yihiin gabdho badan oo qaarkood ay addeegto u yihiin Ragsiyaasiyiin caan ah & Xildhibaano.

Ujeedka ay u sameeynayaan adeegsiga gabdhaha Soomaaliyeed ayaa ah in ay hellaan xog & in ay ogaadaan xaaladaha dadka ay shirqoolka u dhigayaan.

Maleeshiyaadka UGUS oo gabalkoodda sii dhacayo ayaa laga dareemaa in ay bilaabeen ficilo xun oo ah ku shirqoolayaan gabdhaha Soomaaliyeed, iyagoo raadinaya xogta dadka ay dhagarta u malleegayaan maadaama ay cadaadis xoogan kala kulmeen Ciidamada Xooga Dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip