Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay lacag been-abuur ah

0
Tuesday June 02, 2015 - 10:04:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay lacag been-abuur ah

    Ciidammada ammaanka ayaa xalay howl gal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay lacago been-abuur ah iyo dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha nabadda diidan sida uu Raadiyo Muqdisho u sheegay afhayeenka wasaaradda amniga Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada ammaanka ayaa xalay howl gal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay lacago been-abuur ah iyo dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha nabadda diidan sida uu Raadiyo Muqdisho u sheegay afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Maxamuud.

Howl-galkaan oo laga sameeyay degmada Yaaqshiid, waxaa lagu soo qabtay jawaanno ay ku jirto lacago been-abuur ah oo Shilin Soomaali ah.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in lacag been abuur ah la soo daabacay, taas oo la doonayo in lagu dhaco hantida ummadda.

Afhayeenku wuxuu sheegay in maxkamad la soo taagi dadka lagu soo qabtay lacagtan been-abuurka ah iyo waliba dadka lagu tuhmayo inay ammaanka lidka ku yihiin.

Maxamed Yuusuf ma sheegin tirada dadka lagu soo qabtay howl-galkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip