Ciidanka Xooga Dalka oo Maleeshiyaadka UGUS ka sifeeyay deegaanka TOORA-TOOROW

0
Tuesday June 02, 2015 - 09:34:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xooga Dalka oo Maleeshiyaadka UGUS ka sifeeyay deegaanka TOORA-TOOROW

    Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka aroornimadii la wareegay degaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka aroornimadii la wareegay degaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidamada Huwanta ayaa la sheegay inay dagaal la’aan kula wareegeen degaanka Tooratooroow oo Mudo ay kooxda UGUS ku xasuuqayeen Shacabka Soomaaliyeed iyagoo baad & gumaad ku hayay.

Goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda UGUS ay magaalada iskaga baxeen saacado ka hor inta aysan ciidamada la wareegin, iyagoo u baqoolay degaanada kale ee howdka ah oo ay si dhuumaalaysi u galleen.

UGUS ayaa hadda gobolka Sh/hoose kaga sugan meelaha Howdka ah ee duurka iyagoo wali lagu raadjoogo haraadiga maleeshiyaadka GUmaadka UMUDA SOOMAALIYEED,  iyadoo maamulka gobolka Sh/hoose uu sheegay in ciidamada Huwantaa ay la wareegayaan guud ahaan gobolka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayey wararku sheegayaan iney fariisimo ka sameynayaan gudaha iyo hareeraha degaankaas, iyadoo dadweyne fara badan ay iskugu soo baxeen wadooyinka markii ciidamadu ay halkaas gaareen iyagoo kusoo dhoweeyay ciidanka Caleemo qoyan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip