Gudoomiye Cirfo "ciidamada Liyuu Booliis waa laga saaray deegaanadii ay ku soo duuleen qaarkood"

0
Monday June 01, 2015 - 18:39:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirfo "ciidamada Liyuu Booliis waa laga saaray deegaanadii ay ku soo duuleen qaarkood"

    Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xusee Cali Wehliye (Cirfo) ayaa ka hadlay tiro ahaan khasaaraha dhimasho ee ka dhacay dagaaladii asbuuca ka socday xadka Galgaduud la leeyahay Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xusee Cali Wehliye (Cirfo) ayaa ka hadlay tiro ahaan khasaaraha dhimasho ee ka dhacay dagaaladii asbuuca ka socday xadka Galgaduud la leeyahay Itoobiya.

Cirfo wuxuu sheegay in Maleeshiyaadka deegaanka ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan ciidamada Liyuu Booliiska islamarkaana ay ka saareen qaar ka mid ah degaanada ay ku soo duuleen.

"ciidamada Liyuu Booliis waa laga saaray deegaanadii ay qabsadeen qaarkood”ayuu yiri Xuseen Cali Wehliye Cirfo

Cirfo wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday tirada khasaaraha dhimashada dagaaladii socdey asbuuca wuxuuna sheegay inay dhinteen guud ahaan 50 ruux halka tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen

Qabaa’ilka kala duwan ee dega goobaha lagu dagaalamay ayaa la soo sheegayaa inay is abaabuleen iskana caabinayaan weerarka Liyuu Booliis kuwaasoo barakiciyay inta badan dadkii halkaasi ku noolaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip