Saraakiisha CXD oo booqday askar ku soo dhaawacantay dagaalkii Shabeelaha Hoose

0
Sunday May 31, 2015 - 14:22:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha CXD oo booqday askar ku soo dhaawacantay dagaalkii Shabeelaha Hoose

    Saraakiishaan maanta booqtay askarta ku soo dhaawacantay dagaalka Ciidanka xoogga dalku kula jiraan cadawga ka shaqeynaya dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed ee Al shabaab ayaa waxaa horkacayay madaxa hogaanka ciidammada xoogga Janaraal Cabdulaahi Cay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiishaan maanta booqtay askarta ku soo dhaawacantay dagaalka Ciidanka xoogga dalku kula jiraan cadawga ka shaqeynaya dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed ee Al shabaab ayaa waxaa horkacayay madaxa hogaanka ciidammada xoogga Janaraal Cabdulaahi Caynte waxaana ay u kuur galayeen xaalada askarta.

Askarta saraakiishu booqdeeen ayaa waxaa ay ku jiraan isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho waxaana ay xaaladoodu ahayd mid soo hagaageysa qaarkoodna waxaa naloo sheegay in isbitaalka laga saaray markii uu caafimaadkoodu soo hagaagay.

Madaxa hogaanka ciidammada xoogga Janaraal Cabdulaahi Ceynte ayaa warbaahinta qaranka kula hadlay isbitaalka waxaana uu faah faahin ka bixiyay booqashadooda askarta dhaawaca ah.

"Waxaan booqasho ugu nimid dhaawac askar ah oo ku soo dhaawacmay jiida hore ee gobolka Shabelaha hoose dhaawacaas oo yaala isbitaalka la yiraahdo IQRA, dhaawacaas mid mid ayaan u booqanay mid walba waxuu qabana waan aragnay agaasimaha isbitaalkana warbixin fiican ayuu naga siiyay qaarkood isbitaalka waa ka baxeen inta hadda isbitaalka taalanaā€¯.ayuu yiri sarkaalkan.

Dhowaan deegaanada Mubaarak,Awdheegle iyo deegaano kale ka tirsan gobolka Shabeelah Hoose waxaa ka dhacay dagaal uu dhexeeya ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip