Dowladda Soomaaliya: "Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka"

0
Sunday May 31, 2015 - 10:03:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya: "Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka"

    Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.

Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira Soomaaliya, waxaana ay Dowlada Federaalka way soo dhoweyneysaa arintaa.

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay ma han mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dib-u-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

"Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

"Wasaaradda waxay si dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility, waax ka mid ah Bankiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliyadeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno inagoo indha xiran,” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray.

Waxaa intaas sii dheer in uu jiro dadaal Dowlad goboleedyada lagala hadlayo sidii loo yeelan lahaa aragti mideysan oo ku aadan horumarinta iyo maamulka shidaalka Soomaaliya. La shaqeeynta dowlad Goboleedyada waxay keeneysaa in la helo hanaan lagu qeybsado dakhliga kheyraadka, taas oo lama huraan u ah sameynta nidaam qeybsiga wax-soosaar oo lala yeesho shirakadaha shidaalka.

Dowlada Federaalka wax heshiis wadaaga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda Dowladda Federaalka.

"Waxaa muhiim ah, weliba dadka Soomaaliyeed, in ay ogaadaan in shirakadaha gaarka loo leeyahay ay iyagu sida ay la tahay wax ugu soo gudbisan karaan Dowlada Federaal. Waan soo dhoweyneynaa dadaalkooka. Balse aan idiin cadeeyo, 100% kheyraadkeena inaga ayuu gacanteena ku jiraa. Go’aanada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo hufan iyo si mas;uuliyad ku dheehan tahay lagu gaaray islamarkaana ilaalinaya xuquuqda ummadda Soomaliyeed hadda iyo mustaqbalkaba” sidaa ayuu Wasiirka ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip