Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Sawiro

0
Saturday May 30, 2015 - 22:37:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Sawiro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad kale oo ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa uu la xiriiraa sidii uu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha xal u helida caqabadaha maalmihii u dambeeyay ku hor-gudbanaa shirka, gaar ahaan beelo ka baxay shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa la filayaa inuu kulan la qaato, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud, si uu ugu qanciyo in shirka ku laabtaan, kadib markii ay dhowaan isaga baxeen.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku biiraya wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado.

Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa dhowaan guda geli doona wajigiisa labaad, waxaana ergooyinka ay ansixin doonaa dastuurka uu maamulka yeelan doono.

123456






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip