Hay'adda Nabadsugidda oo soo bandhigtay horjooge lagu tuhmayo in uu ka tirsanyahay UGUS

0
Saturday May 30, 2015 - 22:19:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Nabadsugidda oo soo bandhigtay horjooge lagu tuhmayo in uu ka tirsanyahay UGUS

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Howlgalkan ciidanka hay’adda Nabad sugida iyo Sirdonka Qaranka  ay 19 bishaan  ka  sameyeen deegaanka   Tareedisho  ee duleedka magalada Muqdisho  ayaa  lagu soo qabtay Libaan Cabdulahi Maxamed oo lasheegay in uu ka tirsan  yahay  ururka  Gumaadka Ummadda Soomaliyeed ee UGUS, isla markaana   lala xariiirinayo  in uu  ka dambeeyey dilal  qorshaysan oo  ka dhacay    gobolka  Benaadir  .

Hay’adda  Nabad sugida  iyo Sirdoonka Qaranka  ayaa Warbaahinta ugu soo bandhigay   xaruunta  Taliska   NISA  Horjogahan iyo   gaari nuuc  raaxada  iyo mooto la sheegay in  lagu fuliyey  qorshihii lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed

Afhayeenka  Wasaradda  amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed yusuf Cismaan ayaa sheegay in horjoogahan lagu soo qabtay howgallo ay ciidamada ka sameeyeen duleedka Muqdisho.

"Gaarigiii  lagu dhibaateyey ama  ka qayb qaatay  dilal  faro badan oo ugu horeyey Allah u naxariistee  Gashanle sare  Dhabareey oo ka tirsanaa Hogaanka socdaalka  iyo jinsiyadaha, sidoo  kale  Cabdifarah Barre Guure  Guddoomiye  ku-xigeenkii  amniga iyo siyaasadda ee degmada Wadajir oo lagu dilay gudaha degmadaasi, sidoo kale  Cumar  Ubax shaqsi lagu magacaabi jiray  oo ka tirsanaa  Wasaradda gadiidka gaar ahan qaybta bixisa  taargooyinka gadiidka  iyo darawalkiisa    Cabdi Barwaaqo lagu magacaabi jiray  ,intasi oo muwaadin ayaa garigaan iyo mootadaan  aad u jedaan lagu dilay, ee ninkaan  la yiraahdo Liiban Cabdullahi Maxamed  oo markii uu howl  galayo ay  kooxda  UGUS isticmaali jiray magacyada Cabdulqaadir, Maxamed Cabdullahi, een iyo ninka labaad oo lagu magacaabo Aadan  Cabdullahi  Maxamed wax ay wateen garigaa ad u jeedan ee Isbaashiyada ah  oo taargadiis  tahay E I  16  04”ayuu yir afhayeenka Wasaradda amniga.

Inkastoo kooxaha Nabadiidka Al-Sahabab ay isku dayayaan in ay dhibaateeyaan bulshada ayaa hadana waxaa bar bar socda howlgallo hay’adaha amniga ay kaga hortagayaan dhibaatooyinkaasi, iyadoo horey loogu guuleystey in la fashiliyo dhagaro badan oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Kooxda UGUS.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip