Dowlada Somalia oo wax lala yaabo ku sifeysay qaxooti Soomaali ah oo loo diiday iney ka degaan Berbera

0
Saturday May 30, 2015 - 09:17:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somalia oo wax lala yaabo ku sifeysay qaxooti Soomaali ah oo loo diiday iney ka degaan Berbera

    Dawladda Somalia ayaa ka hadashay tallaabo ay Somaliland shalay Berbera muddo kooban ku hor-istaagtay qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxayna talabadaas ku tilmaantay ka baxsan bani aadamnimada iyo qawaaniinta c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Somalia ayaa ka hadashay tallaabo ay Somaliland shalay Berbera muddo kooban ku hor-istaagtay qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxayna talabadaas ku tilmaantay ka baxsan bani aadamnimada iyo qawaaniinta caalamiga ah. Wariirka arrimaha dibedda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid aan la aqbalin karin, isagoo sheegay in dunida oo dhan ay Somaalida magan siisay, isla markaana aanu fahmi karin in qaxootiga Soomalaida loo diido dhulkoodii.

"Aniga, dowlada Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed midkoodna ma fahmin in Qaxooti Soomaaliyeed oo dagaalo ka soo cararay dhulkoodii loo diido, waxaana ka mid ah dhulkooda Lughaya, Berbera, Seylac Boosaaso, Hobyo, Muqdisho iyo Kismaayo” ayuu yiri wasiirka.


Waxaa uu sheegay wasiirku in Soomaali ka badan milyan iyo shan boqol oo kun ayaa caalamku uu magan siiyey, muslim iyo dalal an islaam aheyn intaba wey qaabileen.

"Waa wax lala yaabo in dad magac Soomaali sheeganaya ay yiraahdaan magan ma siineyno Soomaali kale oo ka soo carartay dagaalada ka socda dalka aynu walaalaha nahay ee Yemen” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Maamulka Somaliland ayaa maalmo ka hor mudo saacado ah ku xanibay dooni ku soo xiratay dekeda Berbera boqolaal qof oo ka soo jeeda koonfurta Somalia kuwaasoo ka soo qaxay dalka Yemen, iyadoo doonida laga dejiyey dadkii ka soo jeeday Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip