Degmada C/casiis Oo Ka Bilowday Talaalka UGUS

0
Wednesday May 20, 2015 - 20:52:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada C/casiis Oo Ka Bilowday Talaalka UGUS

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ololahan lagu ciribtirayo ururka gumaadka ummadda soomaaliyeed ee UGUS Ayaa maanta ka bilowday dagmada C/casiis ee Gobalka Banaadir,waxaana halka Uu olalohaan wacyigalinta xanbaarsan uu maanta ka dhaqan galay waaxda loowya Cadde ee Dagmadaasi ,ayadoo uu goob joog ka ahaa halka dadka lagu tira koobayay Laguna kala saarayay gudoomiyaha dagmada Cusmaan Muxidiin Cali.

Dadka ayaa buuxinayay foom lagu ogoonayo tirada ku nool dagmada guud ahaan Iyo in aay dagmada aay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Ugus,waxaana laga Qadayay shcabka sawiro Dadka ayaa ku dhawaaqayay erayo aay ka mid yihiin waxaan iska talaaleynaa Ugus, iyo kuwa kale."waxaan iska talaaleynaa ugus waxaan iska talaaleynaa ugus waxaan halkaan u nimid talaalka ugus.

Gudoomiyaha dagmada C/Casiis ee Gobalka Banaadir Cusmaan Muxidiin Cali ayaa Ka warbixiyay muhiimada uu leydahay in lakala sooco dadka,kuna faraxsanyahay In maanta dagmada laga hirgaliyo ololahaan.

"waxaa sharaf weyn inoo ah in maanta uu halkaan ka socdo diiwan galinta Talaalka ugus waa cudurkii umada soomaliyeed ku dhacay sanadihii la soo Dhaafay maanta waxaa uu ka bilowday dagmada cabdi casiis in laga talaalo Shacab weynaha ku dhaqan dagmada arintaas oo looga gol leeyahay,si loo xaqiiji Laha amaanka magaalad muqdisho arintaas oo lloga golleeyahay sidii look ala Saari lahaa shacabka  iyo cadowga arinkaas Reer Cabdi Casiis weey soo Dhawwyeen”ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha dagmada ayaa u mahahceliyay ciidamada amniga gaar Ahaan Boliska iyo Nabadsugida,waxaa  uuna balanqaday ineey la shaqeyn Doonaan hay,adaha amniga horayna ula shaqeyjiren,

"Reer Cabdi Casiis hadaan nahay waxaa diyaar u nahayy inaan la shqeyno hay adaha amaniga sida Boliska iyo Nabadsugida horayna waa ula shqey jirnay waxaa uga mahad celinaa shay adada Nisa oo barnaamijkaan iyada diyaarisay cudurka ugus inuu yahay cudur ku dhaca maskaxda aadanaha isla markaana laga daaweyn karo,qofka uu heli karo caafimaadkiisi hore sababtoo ah qofka waxa ku qasbay asigoo fayoow inuu qof qarxiyo inuu walaakiis dilo Soomali ah, waxii ku qasbay inuu masjidyada iskuulada isitaalada waa cudur ku dhaca maskaxda ubaahan in ladaaweeyo marka waxaan rajeynaa in reer Cabdi Casiis aay talaalkaas qadan doonaan”mar kale yiri gudoomiyaha .

Dhawaanahan waxaa magalada Muqdisho ka socday olole lagu ciribtirayo kooxda ugus waxaana Sidoo kale olole midkaan laceyn ah uu ka socdaa guud ahaan gobalada dalka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip