Shir Amniga Loo Hadlay Oo Xalay Muqdisho Ka Dhacay

0
Wednesday May 20, 2015 - 07:27:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Amniga Loo Hadlay Oo Xalay Muqdisho Ka Dhacay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Shirkani oo looga hadlayay Amniga Qaranka islamarkaan shalay ilaa xalay lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Comanda Boliisiya ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeeyay sida ugu macquulsan ee lagu xoojin karo amniga Caasimada iyo guud ahaan dalka.
 
Shirka ayaa waxaa shir guddoominayay Ra'isul wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumarte Carte, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,Taliyaha Ciidanka Boliika Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Gen C/raxmaan Tuuryare, iyo Saraakiil Ka tirsan ciidamada NISA, iyo Boliiska.
 
Shirka intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday aragti iyo talooyin la xiriira xoojinta sugida amniga oo la faray Saraakiisha ciidamada ay dhaqan galiyaan waxyaaba laga wada hadlay ee la xiriira arrimaha amniga.
 
Shirka ayaa la isku raacay in si wada jir ah amniga caasimada ay kaga wada shaqeeyaan ciidamada Boliiska iyo Nabadsugida, islamarkaana la xoojiyo howlgalada iyo roondooyinka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip