Golaha wasiirada oo maanta ka dooday hanaanka maaliyadda ee dowladda

0
Tuesday May 19, 2015 - 17:55:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirada oo maanta ka dooday hanaanka maaliyadda ee dowladda

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirkan aan caadiga aheyn ee golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa  shir guddoominayey Ra’iisul wasaare k xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo si gaar ah looga hadlay shirkaasi arrimaha Maaliyadda dalka, wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha horkeentay nidaamka casriga ah ee ay ku shaqeyso.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim, oo shir jaraa’id qabtay shirkaasi kaddib, ayaa sheegay in golaha wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen nidaamka ugu wanaagsan ee ay Wasaaraddiisu ku shaqeyso, isagoo tilmaamay in golaha wasiirrada ay u gudbiyeen sida loo maamul dhakhliga dowladda iyo qarashaadka la bixiyo, iyadoo loo adeegsanayo hab cusub oo casri ah, si raad-raac ay u lahaayaan dhammaan lacaga baxa ama soo gala dalka.

"Marka maanta Ajendaha aan ka hadalnay waa daahfurnaan maamulka Maaliyadda oo ah mid aan dadku fahamba ka heysanin qaabka ay dowladdu u aruuriso dakhliga iyo qaabka ay u kaharasha gareyso”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Dhanka kale wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in laga dooday Miisaaniyadda 2015-ka ee dowladda, maadaama ay soo  baxeen caqabado u baahan in wax laga qabto, golaha wasiirrada ayuu sheegay in ay u gudbiyeen tallo soo jeedin ka timid wasaaradda Maaliyadda, taas oo ku aaddan dakhli kordhinta dowladda, isla markaana lala xisaabtamo wasaaradaha kale ee Xukuumadda.

"Waxaa kaloo maanta laga dooday Miisaaniyadda 2015-ka, waxaad la socotaan in aanan la bixin mushaaraadka dowladda, dakhliga dowladda 50%, gudaha ayaa laga helayey, dowladda kuwaas ayeey ku shaqeyneyso lacagihii dibedda weli lama helin, golaha wasiirrada waxaan u gudbinnay sidii arrintaasi xal looga gaari lahaa, waana tallo soo jeedin wasaaradda Maaliyadda ka timid, iyadoo wasaarad walba lagula xisaabtamayo Dakhliga soo gala”. Ayuu yiri mark kale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim, ayaa sheegay in lagu heshiiyey in dib ugu laabashada heshiiyada ay Xukuumadda la gashay hey’adaha caalamka qaarkood, isagoo intaa raaciyey in nidaamka lagu shaqeynayo uu yahay mid la jaan-qaadaya waqtiga, waxa uuna shacabka kula dardaarmay in ay Xukuumadda la xisaabtami karaan.

Makra ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyey dowladda waxa ay gashay heshiiyo badan, meeshaasna shacabka looga qaado qidmad, waxaa la isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo arrimahaasi”.

Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xoogga saareysa sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhliga dalka soo gala, maadaama 50% Dakhliga gudaha ka soo xarooda lagu xisaabtamo, taas oo ah in laga wada faa’ideysto oo  aysan dib u dhac keenin lacaga ama deeqaha ay dowladda dibedda ka sugeyso xiligaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip