Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay

0
Tuesday May 19, 2015 - 17:47:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Munaasabadan looga hadlayay cirib tirka Kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS oo maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ,ururka haweenka Qaranka ,dhalinyaro  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Makaraan ayaa sheegay in Kooxda argagisada ah ay meel uga dhaceen magaca dhalinyarada Soomaaliyeed loona baahanyahay dhalinyarada in ay iska difaacaan.

‘’Shabaab waa dhalinyaro magicii ayaa waxaa laga dhigay bahal ,waxaan leenahay magaceena dib ayuu usoo noqday  waxaa lanaga rabaa marka inaan ilaalsano ayaa ka ilaalsaneynaa waxaan ka ilaalsaneynaa ururka gumaadka umada soomaaliyeed ee UGUS”ayuu yiri Makaraan.

Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa  ugu baaqday haweenka soomaaliyeed in loo midoobo cirib tirka kooxda argagisada ah.


’haweenka ardyada ,isboortiga waxaan u baahanahay yaa wadani ah  ,waxaan ka guurnay mugdigii ,waxaan ka guurnay gurigii madoobaa waxaan ka guurnay jidkii bur bursanaa ,waxaan ka guurnay leyr la’aantii iyo biya la’aantii waxaana u guurnay wadadii saxda aheyd.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho  Mudane Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa ka hadlay doorka ay bulsahda ku leedahay sugida amaanka caasimada.

 ‘’Doorka Bulshada ay ku leedahay sugida nabad gelyada waa in ay la shaqeyso ciidamda nabad gelyada nabad sugida iyo booliska markaas ayaa gacmaha wada jira ayaan uga guuleysan karnaa cadowga UGUS ee Soomaaliya kusoo duulay’’ayuu yiri gudoomiyaha gobolka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Colonel C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sharaxay sida uu ku biloowday ololaha ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ah.

‘’Dhalinyarada Soomaaliyeed baa cabasho ka timid magaceena ayaa la xaday ayay dhaheen hay’adaha amaanka hanoo soo dhiciyaan dhulkaba wey soo dhiciyaanee magacii baa loo soo celiyay dowlada dhan ayaa soo celisay anagana dowlada waxaan uga mas’uul nahay qofka dhahaya oo magaca aan nimankaas laheyn ku tilmaamaya in ay dhahaan joojiya’’

Qorshaha cirib tirka maleeshiyaadka umada soomaaliyeed ee UGUS ayaa waxaa ka wada qeyb qaadanaya hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo kaashaneysa maamulka gobolka banaadir iyo shacabka soomaaliyeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip