Wasiirka Gaashaandhigga oo Kismaayo Gaaray

0
Monday May 18, 2015 - 14:19:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo Kismaayo Gaaray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashandhiga dawlada Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Cabdullahi Sheekh Ismaacil " Fartaag” iyo Xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubbaland waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo iyadoo halkaas uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed Maxamed islaam " Axmed Madoobe”.

Gebagebadii waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed islaam iyo Cabdiqaadir Sheeekh Cali diini.

Axmed Maxamed islaam Madaxweynaha Jubbaland  goobta ka hadlay ayaa Wasiirka ku amaanay sida uu uga qayb  qaatay nabad ku soo dabaalida meelo badan oo Soomaaliya ah isla markana waxaa uu sheegay in ay ku soo dhawaynayaan magaalada Kismaayo.

"Waxaan filayaa Cabdiqaadir in uu kamid yahay raga sida weyn ula socday dhaqdhaqaaqeena ilaa maalinkii aan Xuduudka soo dhafaynay oo ay ka go’nayd in dalka la xoreeyo waxaana isleehay in arintaas maanta waqtigeedi la taagan yahay aad baana ugu soo dhawaynaynaa Magaalada Kismaayo”. waxaa sidaa sheegay Axmed Madoobe.

Wasiirka gaashandhiga xukumada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshahiisa magaalada Kismaayo madaxda Jubbaland ay ka wada hadli doonan dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

"Waan ku faraxsanahay imaanshahayga maanta ee magaalada Kismaayo waxaana la jooga xiligii aan u midoobi laheyn sidii aan u dhisi laheyn  ciidamo qaran oo Soomaaliya ay leedahay Waxaana rajaynayaa in Ciidamadaas dhismahooda idinkuna aad ka qeyb qaadataan si mar dambe aysan ciidamadeenu inooga burburin lama joogo xili la is yidhaahdo hebal baa hebal salaamayay iyo hebal baa hebal la sawirnaa ee waa in aan u midawno dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sameyn lahaa dhismaah ciidamo qaran iyadoo dhowaan guddi arintaasi loo xilsaarayna uu bilaabay howlahaasi oo ay iska kaashanayaan dowlada Soomaaliya iyo maamul gobolweedyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip