Taliyaha Ciidanka Boliiska: "inta shaqada lagu jiro Qaad lama cuni karo"

0
Monday May 18, 2015 - 14:16:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Boliiska: "inta shaqada lagu jiro Qaad lama cuni karo"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu kuur galayay sida ay u gudanayaan Waajibaadka Shaqo ee loo igmaday, waxaana xarumaha uu tagay uu ka qaatay salaan ciidamada.

Xarumaha uu kormeerka ku tegay taliyaha ayaa waxaa ka mid ah gaadiidka Boliiska,Xarunta Taraafikada,Akadeemiyada Janaraal Kaahiye, saldhiga ciidanka Boliiska degmada Xamarweyne, waxaana ujeedka kormeerka uu ahaa xaqiijinta howlaha baaxadda leh ee ciidanka iyo dhiirigalinta Ciidanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa  saldhiga degmada Xamarweyne ku kormeeray sida shaqada u socoto iyo buugaagta lagu qoro waxyaabaha muhiimka u ah dambi baarista, iyadoo taliyaha uu balanqaaday in saldhiga loo keeno agabka ay u baahanyihiin oo shaqada lagu xoojinayo islamarkaana si toos ah shacabka ugu shaqeynayo.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne iyo taliyaha saldhiga degmadaasi ayaa faah faahin ka siiyay howlaha saldhiga iyo sida bulshada ay isugu xiranyihiin taliyaha iyo xeer ilaaliyaha.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo waajibaadka Shaqo ee laga doonayo, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidanka inta ay ku guda jiraan howlaha shaqo aysan cuni karin Qaadka, cidii lagu arkaana ay wajaheyso ciqaab adag, askarta ayuu ugu baaqay in ay u naxaan dadka shacabka ah xiliyada ay ku guda jiraan howlagalada islamarkaana ay gudbiyaan dadka waayeelka ardayda.

"Waxaan qorsheynay anagoo ka duuleyno dib u dhiska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed in aan qaadano arday ka baxday dugsiyo sare oo loo dirayo koorso kuwaa oo soo noqonaya saraakiil oo hadda keensanaya Codsiyadooda” .ayuu yiri taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ammaanay sida uu u shaqeeyo saldhiga ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne oo uu sheegay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso degmadani dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay soo dhameytirayaan waxyaabaha muhiimka u ah howsha saldhiga.

"Degmadani waa degmo qadiim ah oo dhaxal noo ah kana bilaabatay dhismaha caasimada, waxaan ku baaqayaa in aan la burburin lagana dhaafo burburinta taa badalkeeda la dayactiro, waxaan aad ugu naxay islamarkaana aan ka xumaaday masaajidkii Arbaca Rukun oo la burburiyay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

Kormeerka Taliyaha uu ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa dhiiragelin ah u ah ciidamada, taasi oo ay soo dhaweeyeen ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip