Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Qeybgalay Barnaamij Ku Saabsanaa Isdhexgalka Bulshada

0
Sunday May 17, 2015 - 12:46:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Qeybgalay Barnaamij Ku Saabsanaa Isdhexgalka Bulshada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka amniga Qaranka iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan isdhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Benaadir.

Munaasabadda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha bulshada iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo intii ay munaasabaddu socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa bixinta canshuuraha iyo ka qeyb qaadashada isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow ayaa ku dheeraaday ka hadlidda waxyaabaha u qabsoomay Maamulkiisa, isagoo codsi u jeediyay Madaxda dowladda kaa oo ku aadanaa in dhibane Xashi Cumar oo ku xiran muddo 18 sano ah Wadanka Talyaaniga gacan laga geysto sidii loo sii deyn lahaa.

"Waxaa jira Dhibane oo heer Kaaraan ah oo ku xiran Wadanka Talyaaniga oo la yiraahdo Xaashi, 18 sano ayuu ku dhibaateesanyahay Xabsiga ku yaalla Talyaaniga, waxaan leenahay madaxda dalka Soomaaliyeed iney arintaas wax weyn ka qabtaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqo Muqdisho Mudane Xasan Maxamad Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay arimo badan oo aay ka midyihiin   aminga, waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda, bixinta canshuuraha, dismaha waddooyinka iyo cilad bixinta nalalka cad ceedda ku shaqeysa, waxaana uu bogaadiyay maamulka iyo shacabka degmada Kaaraan inay u istaagaan ka qeybqadashada Horumarka dalka

"Magaalada Muqdisho waa amni, waxaa ka jira nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana daliil cad u ah caawa habeen barki shan saac iyo bar halkaan in ay xaflad ka dhaceyso oo bulshadii iyo madaxdii Qaranka ay halkaan u fadhiyaan, ciidamadeena nabadgalyada ee hoowshaasi ilaahey ka sokoow doorka ugu muhiimsan ka qaatay, waan u mahadcelineynaa hadii kooxaha argagixisada ee adduunka oo dhan dhibatada u geysta ay mar mar is Qarxin ismidaamin ay ka sameeyaan gudaha caasimadda, taa micnaheedu ma ahan in magaalada aysan nabad ahay, magaalada guud ahaan waa nabad”ayuu yiri Muungaab.

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamad ayaa goddoomiyah gobalka, kan degmada iyo shacab haddii aysan isku duubni sameyn laheyn aysan suurta gal ahayn in xiligaan saqda dhexe ah aynu isku imaanno.

"Waxaa rabaa inaan laba qodob ka hadlo, runtii midka koowaad gudoomiyaha ayaa ka hadlay waa mida canshurta, waxaan aaminsanahay in guddoomiyaha gobalka howl muuqata uu ka qabtay guud ahaan, waana uga mahadcineynaa, sababtoo ah meeshan hadda joogno iyo waqtigaan joogno ma dhacdeen haduu uu asiga aheyn” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip