Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riday

0
Saturday May 16, 2015 - 15:47:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riday

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday labo ka askari oo ka tirsan ciidamada dowladda  oo lagu eedeeyey qiyaanno Qaran.

Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Kaaliyaha Maxkamadda ciidammada Qalabka Sida, ayaa sheegay in labada askari ay ka tirsanaayeen ciidanka oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana ay xeer ilaalinta ku eedeysay inay doonayeen inay ka baxsadaan xerada ciidanka lagu tababarayay, lagana soo qabtay, Hotel ku yaalla gudaha dalka Turkiga.

Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo Haashim Cabdi Maxamed waxa ay maxkamaddu ku xakuntay min 10-sano oo xarig ah, maadaama ay isku dayeen inay ka goostaan tababar ciidan oo loogu qaaday dalka Turkiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip