Madaxweynaha: "Marka wiilka aad adeerka u tahay ee (la tuhmay) aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay

0
Saturday May 16, 2015 - 15:27:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Marka wiilka aad adeerka u tahay ee (la tuhmay) aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed aysan u doodin dadka lagu tuhmo inay ka tirsan AL-Shabaab ee ay baaristu ku socoto.

Isagoo ka hadlay munaasabadda 15-ka May ee maalin dhallinyarada Soomaliyeed ayuu yiri "Qofka Al-Shabaab(inuu ka tirsan yahay) lagu soo eedeeyay ee xiran, waa la soo deynaa haddii wax lagu waayo isagoon dhib qabin. Dhaaf halla baaro e, fursad sii ciidammada amniga”.

Wuxuu sheegay in haddii qofkii la tuhmo uu waalidkiis ama masuuliyiin kale ay ay daba socdaan oo ay culeys saaraan hay’adaha amniga ay la micno tahay inay fursad siinayaan kooxaha nabad diidka ah ee shacabka ku dhex dhuumanaya.

"Marka wiilka aad adeerka u tahay aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay. Dhibaato ayay ku haysaa amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka dadka masuuliyiinta ah ee maqaamka leh ee daba socda dadka Al-Shabaab lagu eedeeyay”.


Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal badan ku bixinayso xoojinta iyo tayaynta hannaanka amniga iyo garsoorka dalka, si ay muwaadiniintu u helaan caddaalad kuwa dhibka wadana looga guuleysto.

"Waxaan ku dadaalaynaa inaan horumarinno habkeena garsoorka, habkeena amniga inay horumaraan, waana hormarayaan oo waa sii soconnaa, laakin dagaalku naguma simayo, dagaalka waan ku jirnaa, waa inaan ku guuleysanaa oo aan ka adkaanaa nimankaan (Al-Shabaab) ileen waan ka adagnahaye, Laakin si ay taasi u dhacdo wiilka aad adeerka u tahay ee aad daba socoto ka har”.

Madaxweynaha ayaa horay u ballan qaaday in dowladdu aysan aqbali doonin in masuliyiin dowladeed ay u doodaan sii daynta dad dambiyo lagu helay am aka tirsan kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip