Abaanduulaha oo ka hadlay dagaaladii Aw-dheegle iyo Mubaarak

0
Friday May 15, 2015 - 20:24:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaanduulaha oo ka hadlay dagaaladii Aw-dheegle iyo Mubaarak

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sareeyo guuto C/rasaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka UGUS ay saaka weerar ku soo qaadeen deegaanada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo horey fadhiisan u aheyd ciidanka AMISOM hase yeeshee ay kal hore ka guureen.

Weerarka kooxda UGUS deegaanadaasi ay ku soo qaaday ayaa abaanduulaha waxaa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka hor tageen isla markaana ku celiyaan deegaanka Toora Toorow oo ay ka soo duulaan tageen.

Sareeyo guuto C/rasaaq Khaliif Cilmi abaanduulaha ciidanka xoogga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka makeeshiyaadka UGUS ay ka soo fureen hanta fara badan oo deegaanka ay ka boobeen ayagoona dib ugu celiyay dadkii lahaa hantidaasi waxaana kamid ahaa Cagaf Cagafyada beeraha loo isticmaalo iyo alaabo kale.

"Anaga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed hal askari ayaa naga shahiiday hal askari oo kalena waa naga dhaawacmay, ayaga xagoodana sadex ayaa ka dhimatay iyo dhaawacyo kale waxaana lagu celiyay meeshii ay ka yimaadeen” ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka deegaanada Aw-dheegle iyo Mubaarak ay xaqiijiyeen amniga goobihii saaka dagaalada ay ka dhaceen isla markaana ciidanka xooga dalka ay guul weyn ay ka gaareen maleeshiyaadka UGUS weerarkii saaka.

"Waxaa lagu jira qorshe balaaran oo looga hortagayo waxyaabahaasi  laguna xoreyn doona dalka dibna loo hanan doona insha’alahu tacaalaa shacabka Soomaaliyeed dhowaan waxaa ay maqli doonaan wax dhagahooda ay ku farxaan meelaha kale oo 20 20 u joogaana waa waqtigii la u gaarsan lahaa” ayuu mar kale sheegay sareeyo guuto C/rasaaq.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip