Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Guddiga isku dhafka Ciidamadda Xoogga dalka

0
Wednesday May 13, 2015 - 17:44:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Guddiga isku dhafka Ciidamadda Xoogga dalka

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay dhawaan magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay dhawaan magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga,

Guddigan oo isugu jira aqoon-yahano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha ciidamada muddo dheerna kasoo shaqaynayay, kana kooban qeybaha kala duwan ee Soomaalida ayaa dhowaan howlahooda bilaabaya.
Kulanka uu Wasiirka la qaatay Guddigan ayaa waxaa ku wehliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo masuul ka socday IGAD.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamadda in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo ka mid ah guddigan ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil saaray.

"Sidii aan horey ugu balanay, waajibaad qaran ayaa idin saaran, xubnaha guddiga waa kuwa aan ku kalsoonahay in ay si huffan u gudan doonaan shaqada loo xil saaray, sidii uu shalay idiin sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda howsha la idinka sugayo waa in aad dalka u horseedaan dhismaha ciidan qaran oo mideysan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiir-u dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ah Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka, wuxuna sheegay in mideynta ciidamada ay tahay mid door muuqato ka qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo inay noqdaan ciidan awood ballaaran leh.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isugu dhafo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.

guddiga isku dhafka (1)guddiga isku dhafka (3)guddiga isku dhafka (4)guddiga isku dhafka (5)guddiga isku dhafka (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip