Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar ku xiran oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan"sawiro"

0
Sunday November 20, 2016 - 13:04:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar ku xiran oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan"sawiro"

    Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaa ku xiran Maxaabiis farabadan oo loo heysto dambiyo kala duwan dhawaan Xabsiga gudahiisa waxaa laga hirgaliyey Xarumo loogu talagalay in wax lagu baro maxaabiista.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaa ku xiran Maxaabiis farabadan oo loo heysto dambiyo kala duwan dhawaan Xabsiga gudahiisa waxaa laga hirgaliyey Xarumo loogu talagalay in wax lagu baro maxaabiista.

Warshad farsamada gacanta lagu barto iyo madaaris waxbarasho Dugsi hoose ilaa iyo Jaamacad, ayaa laga hirgliyey Xabisga dhexe ee Xamar,Maxaabiista ayaana iminka soo saaraya Agabyo kala duwan oo sida loo sameeyo ay bareen Xirfad-yahano Taliska Ciidanka Asluubta ka tirsan.


Warshadda Tababarka Maxaabiista ee Xabisiga dhexe ee Xamar ayaa soo saarta Agabyo isugu jira Qalab xafiiseedka oo dhameystiran, kuraasta iyo Miisaska waxbarashada, Qoryaha Macmalka ah ee Ciidanka lagu tababaro iyo Toliinka dharka iyadoo intaas ay sii dheertahay in Maxaabiista Xabisga dhexe hadda ay bilaabeen sameynta Qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.



Dhagaxda la qoro ee laga sameeyo dab-qaadka iyo Burjikada ayaa Taliska Ciidanka Asluubta waxa uu ka keenay Gobolka Galgaduud,waxaana Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka sameeyaan waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka iyo sidoo kale ugaarta dhulkeena laga helo oo dhagax ah.


Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Taliska Ciidanka asluubta uu dadaal u gali doono sidii loo kordhin lahaa Goobaha sidan oo kale ah oo Maxaabiista lagu barayo Farsamada gacanta,isagoo Tilmaamay in la gaarsiin doonno dhammaan Xabsiyada dalka si qofka Maxbuuska ah uu uga faa’iideysto fursadaasi.

.

dscf7381-copydscf7380-copydscf7379-copydscf7376dscf7368-copydscf7372-copydscf7375-copydscf7376-copy

 


 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip