Howlgallo Xalay Laga Fuliyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
Sunday November 20, 2016 - 08:34:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo Xalay Laga Fuliyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

    Howlgalkan ciidamada amniga ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ahaa mid lagu xoojinayay amniga caasimadda, iyadoo ciidamada ay baarayeen xaafaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka banaadir, halkaas oo lagu so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan ciidamada amniga ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ahaa mid lagu xoojinayay amniga caasimadda, iyadoo ciidamada ay baarayeen xaafaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka banaadir, halkaas oo lagu so qabtay qabtay tiro dad ah, kuwaasi oo ciidamada ay isugu keeneen goobo cayiman oo lagu kala saarayay, waxaana ay ciidamada xabsiyada u taxaabeen tiro dad ah oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen dhagarqabayasha Shabaab iyo kuwa kale oo lagu soobatay waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir oo uu wehliyo Taliyaha qeybta Waliyow Cadde iyo saraakiil kale ayaa intii uu socday howlgalada waxa ay ku dhex lugeynayeen xaafadaha labada degmo, kuwaasi oo ujeedkooda ahaa soo indho indheyn sida ay u socoto howlgalka sida wada jirka ah ay u fulinayeen ciidamada amniga.

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay howglalka ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo uu xusay inay tahay mid ammaanka lagu adkeynayo.

Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa dhankiisa tilmaamay in howlgaladan ay ka duwanyihiin howlgalladii hore ee ay ciidamadu sameyn jireen, isagoo xusay in lagu soo qabtay ku dhawaad 20 qof oo looga shakinyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab, ayna u gudbin doonaan laamaha dambi baarista qaabilsan.

Howlgalada amniga lagu xoojinayo ayaa qeyb ka ah sidii loo sugi lahaa Nabad gelyada guud ee Caasimadda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip