Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Fashiliyay Weerar Al-shabaab ku Qabsan Rabeen Degmo

0
Wednesday November 16, 2016 - 09:00:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Fashiliyay Weerar Al-shabaab ku Qabsan Rabeen Degmo

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koon Furgalbeed Soomaaliya ayaa Xalay Fashiliyay Weerar qaraxyo ku Bilawday oo Al-shabaab kusoo qaadeen Degmada Tayeeglow Ee Gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koon Furgalbeed Soomaaliya ayaa Xalay Fashiliyay Weerar qaraxyo ku Bilawday oo Al-shabaab kusoo qaadeen Degmada Tayeeglow Ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Xasan Food oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maleyshiyada Al-Shabaab ay Xalay soo qaadeen weerar ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan Degmada Tiyeeglow isla Markaana ay ka hortageen Ciidamada Xoogga Dalka



Maxamed Cabdulle Xasan Food Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sidoo kale Xaqiijiyay Dhimashada 8 ka Mid Ah Al-shabaab Dagaalka lagu Dilay


Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guudto Ibraahim Cali Yarow oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka sida ayaa Xusay in Maleyshiyada Al-shabaab ay soo qaadeen Dagaalka Balse Cashir lama ilaawaan ah lagu tusay Dagaalka


General Ibraahim Cali Yarow ayaa sheegay in Dagaalka looga Gubay Al-shabaab Sadax Gawaari oo kuwa Dadgaal lagana  Furtay Hub iyo Saanad Ciidan 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip