Dhalinyaro ka Mid Noqon Rabtay Daacish oo Lagu Xukumay Dalka Mareykanka

0
Wednesday November 16, 2016 - 08:41:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro ka Mid Noqon Rabtay Daacish oo Lagu Xukumay Dalka Mareykanka

    Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay doonaayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay doonaayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Xaakimka maxkamada  Michael Davis ayaa xukuno kala duwan waxa uu ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo  laga qabtay garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka , xilli ay doonaayeen in ay ku biiraan kooxda isku yeerta dowladda Islaamka ee Daacish.

Hanad Muuse oo 21 sano jir ah , Hamze Axmed oo 21 sano jir ayaa lagu riday xukuno u dhaxeeya 10 sano ilaa iyi 15 sano ,madaam ay qirtay in ay doonaayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish.

Xamse waxa uu ka mid ahaa afar nin oo laga soo qabtay New York bishii November 2014-kii iyaga oo doonayey inay ka dhoofaan garoonka JFK kuna biiraan Daacish.

Waxa uu caan ku ahaa inuu farriimaha ku diro twitter-ka .

Waalidiinta caruurta oo goobta joogay ayaa wajiyadooda waxaa laga dheehanaayay sida ay uga xun yihiin xukunka lagu riday caruurtooda.

Michael Davis oo ah Xaakimka Maxkamada ayaa sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay la socdaan caruurta , madaam ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biirtay Daacish.

Shalay ayay aheyd markii  sadddex dhalinyaro Soomaaliyeed oo qirtay in ay doonaayeen in ay ku biiraan kooxda  Daacish lagu xukumay dalka Mareykanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip