Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo Siminaar loo furay (Sawirro)

0
Tuesday November 15, 2016 - 16:31:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo Siminaar loo furay (Sawirro)

    Siminaar lagu baranayey Hab-dhaqanka ugu fiican ,ka hortaga Addeegsiga Xoogga ,Baarida jirka iyo Xiritaanka Dadka ayaa maanta loo furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana bixinaya siminaarkan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeeyr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siminaar lagu baranayey Hab-dhaqanka ugu fiican ,ka hortaga Addeegsiga Xoogga ,Baarida jirka iyo Xiritaanka Dadka ayaa maanta loo furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana bixinaya siminaarkan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeeyrta Cas oo loo soo gaabiyo (ICRC) oo kaashanaya Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Siminaarka ayaa waxaa furay Taliye ku xiggeenka Koobaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto Cabdikariin Cali Afrax, oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto Cilmi waasuge Colow iyo Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guuto Sulub Axmed Firin ,waxaana Saraakiisha Ciidanka Asluubta ka tirsan ee Siminaarka loo furay ay kula dardaarmeen in ay ka faa’iideystaan casharada labarayo.


Youness Rahoui oo ah Sargaal Hay’dda Laanqeeyrta Cas u qaabilsan Barnaamijka Dhowrista ayaa Sheegay in Hay’adda ay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka gacan siin doonto dhowrista Xaquuqda Maxaabiista Xabiyada Dalka ku xiran ,isagoo tilmaamay in ay kordhin doonaan Siminaarada ay siinayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.



Sarreeye Guuto C/kariim Cali Afarx Taliye ku xiggeenka Koobaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u mahad celiyey Hay’adda ICRC, isagoo sheegay in Saraakiisha Siminaarka loo furay looga baahan yahay in Casharada la barayo ay ka faa’iideystaa, waxaana uu kula dardaarmay in ay ilaaliyaan Xaquuqda Maxaabiista islamarkaana ay hab-ladhaqankooda dhowraan.


"waxaan wadnaa Qorshayaal dib loogu hagaajinayo nolosha Xabsiyada Dalka sidaad ogtihiin waxaana xoogga saarnay Qof Maxbuus ah oo xiran in aan lagu xadgudbin arintaasna waan ku guuleysanay Geed dheer mid gaaban waxaan u koreynaa in aan hormarinayo Xabsiyada dalka oo dhan” ayuu yiri Gen C/Kariin Cali Afrax.


Displaying DSCF7295.JPG

Displaying DSCF7292.JPG

Displaying DSCF7296.JPG

Displaying DSCF7297.JPG

Displaying DSCF7298.JPG

Displaying DSCF7300.JPG

Displaying DSCF7301.JPG

Displaying DSCF7304.JPG

Displaying DSCF7306.JPG

Displaying DSCF7307.JPG

Displaying DSCF7309.JPG

Displaying DSCF7310.JPG

Displaying DSCF7312.JPG

Displaying DSCF7314.JPG

Displaying DSCF7316.JPG

Displaying DSCF7317.JPG

Displaying DSCF7324.JPG

Displaying DSCF7329.JPG


---DHAMMAAD---

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:-Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip