Dhageyso:- Tiyeeglow oo Horjogayaal Al-shabaab lagu Dilay Kuwa Kalane Lagu Dhaawacay

0
Tuesday November 15, 2016 - 14:02:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:- Tiyeeglow oo Horjogayaal Al-shabaab lagu Dilay Kuwa Kalane Lagu Dhaawacay

    '''SNA Tiyeeglow''Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska Gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ka Fuliyay Tiyeeglow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'''SNA Tiyeeglow''Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska Gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ka Fuliyay Tiyeeglow.

Howlgalka ayaa yimid ka Dib markii  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay shalay la wareegen Gudaha Degmada Tiyeeglow

Ciidamada Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dilay Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Sidoo kale Howlgalka ayaa waxa ka qeyb qadanayay Dadka ku dhaqan Gudaha Degmada

Maxamed Xasan Isxaaq Taliyaha Booliska Gaarka Koonfur Galbeed oo la Hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa uu sheegay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur galbeed Soomaaliya ay Dagaal Xooggan ku qaadeen Fariisin Al-shabaab ku lahayeen Tiyeeglow isla Markaana lagu Dilay Horjogayaal Sare oo ka Tirsan Al-shabaab

‘’’Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dagaal Xooggan ku qaaday Fariisin Al-shabaab ku lahayeen Tiyeeglow waxaana Ciidamada u suurta Gashay in ay Goobta ku qaarijiyaan Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka Tirsan Al-shabaab’’’’

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Dagaalka lagu Dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee u qaabilsanaa Gobolka Bakool

‘’’’Ciidamada waxa ay Dagaalka ku qaarijiyeen Horjogihii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bakool iyo Maleyshiyaad la socday’’’



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip