Taliyaha Asluubta "Waxaa naga go'an in dhammaan Xasbiyada Dalka aan ka hirgelino Xarumo Waxbarasho" SAWIRRO

0
Saturday October 29, 2016 - 15:26:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Asluubta "Waxaa naga go'an in dhammaan Xasbiyada Dalka aan ka hirgelino Xarumo Waxbarasho" SAWIRRO

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,oo ay wehliyeen ku Xiggeenadiisa iyo Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Cumar Xirsiile ayaa booqday halka uu marayo dhismaha Xarun Waxbarasho oo Xabisga dhexe la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,oo ay wehliyeen ku Xiggeenadiisa iyo Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Maxamed Cumar Xirsiile ayaa booqday halka uu marayo dhismaha Xarun Waxbarasho oo Xabisga dhexe laga dhisay oo heer gunaanad ah .

Taliyaha ayaa soo indho-indheeyey sida ay u socoto shaqada waxaana uu warbixino ka dhageystay Injineerada dhismaha Dugsiga wado, isagoo sidoo kalena booqday Taliyaha dhismaha Hool loogu talo galay in shirarka iyo xafladaha lagu qabto oo isna dhismihiisa uu marayo meel dhamaad ah .

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ,ayaa sheegay in Taliska ay ka go’an tahay in sare loo qaado Waxbarashada iyo Xirfadaha la barayo Maxaabiista Xabisga dhexe ku xiran, isagoo xusay Taliyaha in Dhammaan Xabsiyada dalka oo dhan dib u hagaajin lagu sameyn doonno .

"Waxaa naga go’an oo qorshaheena uu yahay in aan horumarino xarumaha Waxbarasho ee Xabsiyada dalka, waxaan rabnaa in Maxbuuska markii uu ka baxayo Xabsiyadeena uu yahay qof aqoon leh oo bulshada waxtari kara "Ayuu Yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in casriyeen iyo horumarin ay ku wadaan Xabsiyada Dalka, waxana uu tilmaamay in Xabsiga dhexe ee Xamar iminka horumaro kala duwan laga dareemayo, sidaasi si la mid ahna ay doonayaan in laga dhigo Xabsiyada Soomaaliya ayna doonayaan in Maxbuuska intuu Xiran yahay uusan dareemin ciqaab iyo Nolol liidata.

"Sidaad ogtihiin Xabisga dhexe ee Xamar waxaa ka jira nafis weyn oo maxaabiista waxay heleen Waxbarasho, hooy wanaagsan iyo Telefishino ay kala socdaan Wararka sidaas si la mid ah ayaan dooneynaa in aan ka dhigno dhamaan Xasbiyada Dalka ku yaala, marna ma ogalan doonno in lagu xad gudbo qof maxbuus ah "ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe.



 

14915050_1169352759824080_1440414927_n14914562_1169351729824183_1453387897_n14886306_1169352823157407_1073045564_n14886130_1169353179824038_1751529079_n14886005_1169351823157507_909364945_n14875346_1169352929824063_2033122933_n14875153_1169353853157304_81586070_n14875139_1169353429824013_1027141075_n14874848_1169352769824079_2020986808_n14874835_1169352389824117_740046550_n14872655_1169352233157466_1384659952_n14872631_1169353933157296_2010931334_n14872522_1169352103157479_1163679060_n14872427_1169353869823969_1403938654_n14826282_1169353419824014_594217203_n

–DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:-Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliyaa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip