Dowladda Turkiga oo Gawaari Nooca aan rasaasta Karin ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed(Sawirro)

0
Sunday October 23, 2016 - 11:16:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo Gawaari Nooca aan rasaasta Karin ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed(Sawirro)

    Dowladda Turkiga oo aan walaalaha nahay ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Basaskan Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Samba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga oo aan walaalaha nahay ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Basaskan Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.
Dowladda Turkiga oo aan walaalaha nahay ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Basaskan Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.

Basaska oo tiradooda ay tahay Labo ayaa  loogu talo galay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda dalka ku xiran ,waxaana  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab iyadoo dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.


Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda qaranka, isagoo timaamay in basaskan Caalamiga ah ee Turkiga ay ugu deeqeen Ciidanka Asluubta uu waxbadan ka badali doonno howlaha Hormarineed ee Ciidankaasi kawadaan Xabsiyada dalka ,iyadoo uu xusay Safiirka in Iminka Horumar aad u balaaran laga dareemayo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Basaska aan xabadi Karin ee loogu deeqay ay u qorsheeyeen markii ay si  toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xiliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay wadamada sida gaar ah u caawiyo Saamaaliya iyadoo ay xusid Mudantahay in dhawaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ay ku wareejiyeen Dhar  iyo Qalabka Ciidanka oo ay ugu talo galeen in Ciidanka lagu Hormariyo.


14650130_583964481800027_2633809440803153342_n14724362_583964485133360_5677671000806012506_nBas1

Bas4








---DHAMMAAD---
Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Email:-asluubta.media@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip