Wasiiro iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida oo Xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe (Sawirro)

0
Saturday October 15, 2016 - 09:44:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida oo Xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe (Sawirro)

    Muqdisho(Snaradio)Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir Saraakiisha iyo Taliyeyaash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Snaradio)Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ayaa waxa ay ugu hambalyeynayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe),oo Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu hal darajo dalacsiiyey waxaana uu ahaa intaan la dalacsiin ka hor S/Gaas.

Xafladda ayaa Martidii kasoo qeyb gashay waxaa mada-daalinayey Hobolada Fanaaniinta Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed , Waxaana Gunaanadka Xafladaasi ka hadlay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee kasoo qeyb galay ,iyagoo si wada-jir ah ugu hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac(Goobbe) waxeyna Xuseyn in uu mudan yahay Darajada sare ee la siiyey uuna yahay Jeneraal Howlkar ah oo Taariikhda Dalka ay xusi doonto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa Xafladaasi soo xiray isagoo uga mahadceliyey Madaxda kasoo qeyb gashay Xafladda sida ay u baraarujiyeen waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo danta Guud ee Dalka.

"Runtii waan u mahad celinayaa Martida madaxda ah ee halkaan fadhisa iyo dadkii soo qaban qaabiyey Xafladan la iigu hambalyeynayo haddii aan kaftamo markii la siinayey Darajada S/Gaas waan uga horeeyey Taliyeyaasha Ciidammada ee saaxiibadeey ah waan kusoo dhaweeyey markii iyagana la siiyey Darejadaas hadda sidaas oo kale waan kusoo dhaweynayaa Darajada S/guud waana ay mudan yihiin” Ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe

dscn0185

dscn0185

dscn0190

dscn0197

dscn0206

dscn0210

dscn0213

dscn0215

dscn0228

dscn0229

dscn0232

dscn0237

dscn0244

dscn0245

dscn0246

dscn0252

dscn0253

dscn0255

dscn0259

dscn0264

dscn0266

dscn0284

dscn0297

—Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
asluubta.media@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip